Guddiga gurmadka fatahaadaha: ”Maxkamad Guur guurta ayaan sameyn doonaa”

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi goodax Bare oo ka mid ah guddiga gurmadka Fataahada webiyada ayaa waxaa ka hadlay xaaladii ugu dambeysay ee ka taagan deegaanada uu saameynta ku yeeshay webiga shabelle.

Mr Goodax Bare ayaa wuxuu sheegay in guddigga gurmadka fatahaadaha ay wadaan qorsho lagu sameynayo maxkamad Guur-guurta, taasi oo loogu tala galay sidii loogu hortagi lahaa in la musuq maasuqo gurmadka la gaarsiinayo dadka uu saameyn ku yeesho webiga shabelle.

Wasiirka ayaa wuxuu sheegay in cidii lagu ogaada inay musuq maasuq ku sameyso gar gaarka la gaarsiinayo dadka shacabka tilaabo cad ah laga qaadi doono.

Hadalka Wasiirka ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili sanadkii hore la musuq maasuqay gargaarkii la gaarsiiyay dadka saameynta ku yeeshay fataahada webiga shabelle ee Beledweyne