Fatahaad uu Webiga Jubba ka sameeyay Deegaanka Goobweyn ee Gobolka J/Hoose.

Waxaa wali soo kordhaya fatahaada wabiyada Juba iyo Shabeelle ay ka gaysanayaan tuulooyinka ku yaala wabiga jiinkiisii, iyadoo haatanna ay soo baxayaan inay jiraan tuulooyin ku dhow wabiga, oo xaaladda ay ku sugan yihiin dadka ku nool tuulooyinkaasi ay tahay mid halis sii galaysa hadii aanan lala soo gaarin gurmad baaxad leh.

Wararka laga helayo deegaanka Goobweyn ayaa sheegaya in webiga Jubba uu halkaasi xalay fatahaad uu ka sameeyay sida uu soo sheegayo wariyaha KNN ee gobolka Jubbada Hoose.

Dad badan ayaa laga soo warimayaa in ay ka barakaceen deegaanka Goobweyn, iyadoona saameyn xoogan uu ku yeeshay dadka iyo duunyada.

Sidoo kale fatahaada webiga Jubba ee deegaanka Goobweyn waxaa xaqiijiyay masuuliyiinta maamulka deegaankaasi.