Dhallinyaro Tashatey Cir waa Toli Kartaa Taako Labadiisee!!!

Waa dhallinyaro isku uur ah, is-faham fiican ayaa ka dhaxeeyo, gacmaha ayay is-haystaan, hal aragti iyo hal hadaf oo mid ah ayay leeyihiin, halgan waxay ugu jiraan sidii ay gacmahooda ugu dhisi lahaayeen xaruntooda G/Banaadir.

Dadaal iyo isku tashi dheer kadib, waxa ay dhallinyarada G/Banaadir maanta ku guuleysteen inay bilaabaan dhismaha Xarunta Dhallinyarada G/Banaadir, taasi oo lagu dhisayo hannaanka loo yaqaanno #Is_Xilqaan.

Guddoomiyaha Dhallinyarada G/Banaadir Abdi Kaafi Mohamud Makaran iyo koox dhallinyro ah ayaa maanta la arkayay iyaga oo dhisayo Darbiga Dheer ee xarunta Dhallinyarada Gobolka Banaadir oo lagu Dhisayo Isku tashi Dhallinyaro.

Md. Cabdi kaafi Maxamuud Makaraan oo ka hadlayay Dhismahaas ayaa u mahad celiyay qof walba oo ka qeyb qaadanayo Dhismaha Xaruntaasi, waxaana uu si gaar ah u bogaadiyay Dhallinyarada 17-ka Degmo Ee Gobolka oo kaalin muhiim ah ka qaatay Dhismahaasi.

Xaruntaan cusub ayaa noqon doonto halka ay Dhallinyarada G/Banaadir ku kulmi doonaan, ku kala war-qaadan doonaan isla markaana ay fekradahooda isku dhaafsan doonaan, iyaga oo ay ka go’an tahay ka qeyb-qaaashada horumarinta dalkooda!!!

WD:C/Laahi Shiikhaalow