Xasan Mudey ”Waxaan ku baaqayaa in loo gurmado dadkeena fatahaaddu dhibaateysay…”

Lataliyaha sare ee madaxweynaha dowladda hishabelle state ee dhanka saaxaafadda Xasan Cabduqaadir Mudey ayaa baaq udiray dhamaan bulshada qeeybaheeda kala duwan.

Bartiisa facbooka ayuu kusoo daabacay baaqa waxa uuna qornaa sidaan :-

“Waxey marayaan dadkeenii waqtigii ugu adkaa,waxey fatahaaduhu qaadeen qaar kamida dadkeenii, waxeey dhax sabbeeynayaan biyo baaxaddoodu aanan laqiyaasi krin.

Waxaa ula jirta duruufo macluuleed,waxeey ubaahan yihiin in aan u istaagno garab qabasho mideysan,caawin deg deg ah oo aan loo kala harayn.

Waxaan lawadaaagayaa dhamaan ganacsatada, siyaasiyiinta,cuqaasha iyo intii Alle wax siiyay in ay bixiyaan dadaal intiii ay awoodi karaan.

Dowladda hishabelle state waxeey diyaar u tahay in ay lashaqeyso qof kasta oo noola diyaar ah in dadkeena wax uun kusoo garab istaagto.

Hirshabelle waxeey soo saartay gudiyo kashaqeeya musiibada taagan,waxeyna diyaar u yihiin in gudiyada uu magacaabay madaxweynaha dowlaadda Hirshabelle state ay la shaqeeyaan cid kasta oo gacan nagu siinaysa ay ufududeeyaan lana shaqeeyaan.

Deegaannadeena waxaa kusoo noq noqday musiibada taagan, waana muhiim in shacabkeena ay si mideeysan isu garab istaagaan.

Hassan Abdulkhader Mudey.