WARBAAHINTA IYO MADAXDA MAANTA!!!.

Waxaan xasuustaa Sadex sanno ka hor madaxda hadda talada haysa oo warbaahinta soo waca si ay uga hadlaan dhaliilo ay lahaayeen madaxdii ka horeeyay iyo khaladaad ka dhacay xukuumadii hore.


Waxay noo sheegi jireen inay saaxiib noo yihiin haddii ay guulaystaana ay saxaafadda la yeelan doonaan wada shaqayn.
Maanta wada shaqayn iska dhaafe xataa shaqadoodii ayaa loo diidan yahay.
Waxaa laga joojiyay xafiisyada madaxda sare sida madaxtooyadda, baarlamaanka iyo xafiiska r/wasaaraha oo waagii hore warbaahinta madaxa banaan u furnaan jirtay.
Waxaa lagu tilmaamay warbaahinta inay la shaqeeyaan Al-Shabab oo aan ognahay sida ay u laayeen weriyaal badan.
Waxaa laga hor istaagay tabinta wararka maalinlaha ah sida maanta dhacdaydaba oo jir dil iyo xarigba la iskugu daray weriyaal tabinayay cabasho ay qabeen muwaadiniin doonayay in cabashadoodu gaarto madaxda dalka ugu saraysa.
Warbaahintii waraysata siyaasi dhaliila dawlada waxaa u taagan oo afka goosanaya koox calooshoodu shaqaystayaal oo baraha bulshadda lacag ku qaata.
Ugu dambeyn warbaahintu dambiile ma aha, mucaarad ma aha, muxaafid ma aha shaqsi lama jirto shaqsina kama soo horjeedo.
Ogeyntayda warbaahintu waa tan ka shaqaysa danaha ummadeed waana codka kuwaan codka lahayn.

WD:Burhaan Diini