Qabyaaladey tumaa tahay?

Waxaa in muddo ah madaxeyga daashaday dhibta ay qabyaaladdu nagu hayso, oo ay ugu wacan tahay sida ba’an ee ay nolol maalmeedkeena u samaayasay, hadaan nahay soomaali qabyaaladdu waxay nagu tahay utun/nabar nagu taagan har iyo habeen, jeclow ama necbow, ku faa’iid ama ku qasaar, rab ama ha rabin, waa waaqiciga aan la noolnahay ee na ragaadiyay in mudaaba.

Qabyaaladdu walow ay tahay wax jira, oo qofkeen uusan qiyaarkiisa ku dooran karin, cidda uu noqonaayo iyo qofkaba, hadana isticmaalkeeda qaabta daran ee aan gacmeheena ku sameynay, wuxuu raad ba’an ku yeeshay qof kasta soomaali ah, qabyaaladdu waxay majaraha u qabatay nolosheena oo dhan, waxayna noqotay mushkilad na hortaagan dhinac kasta oo aad u abaarto nolosha, heer shaqsi, qoys iyo bulshoba, waxay nagu yeelatay saamayn guud, meelkasta oo aad ku nooshahay iyo si kasta oo aad damacdo inaad u noolaatoba.

Dhibta cudurka aan daawada loo helin weli, wuxuu na gayaysiiyay ina aan inkirno ama indhahaba ka laabano dulmiga qabyaaladda, sababtoo ah waxaan u aragnaaba in noloshuba inkiraada xaqiiqada ku sahlantahay, waayo waxaan isleenahayba hadii aan dariiqaa marno inaan ka badbaadayno uurkutaalada ay nagu keeneeyso xuquuqdeenii muwaadin oo aan ku waynay qabyaaladda darteed, taas kaliya maahane hadana wixii aan weynay ayaa kuwa kale is lahaysiinayaan, tiiyoo waliba kuwa sadbursiga wadaa ogyihiin inay xuquuq islaameed ku tumanayaan.

Waxaan dhihikaraa asalkaba qabyaaladda waxaan u isticmaalnaa in qolo xuquuqdeed lagu duudsiiyo kuwa aan xaqaas lahayna loo cadgooyo, sidaa darteed ayay qaarkeen ku qasaareen halka kuwa kalena ku macaasheen, waa sida foosha xun ee ay qabyaaladdu u shaqayso, ilowse way jirtaa siyaalo wanaagsan oo aan u isticmaalno qabyaaladda, waloow qaabka xun ee aan u isticmaalka qabyaaladda ka saamayn badan yahay qaabka wanaagsan. Raali noqo…..!
Qormadu wali way socotaa….!
Aragti teyda ka duwan hadii ay kuu muuqdo fadlan nagu biiri, fikirkaaagu waa qaali.

Mahadsanidiin.
Qalinkii
Maxammed Garmagale.