Qaar ka mid ah Ciidamada Dowladda oo Qarax Miino lagu dilay inta u dhaxaysa Bariire iyo Lambar 50.

Muqdisho:-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in ilaa seddax askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka ay geeriyoodeen, kadib markii qarax Miino lagula eegtay inta u dhaxaysa deegaanada Bariire iyo Lambar 50 ee gobolka Shabeellada Hoose.

Seddaxda askari ayaa la sheegay inay wateen Moota nuuca loo yaqaano FEKON, isla markaana ay ka soo baxeen deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wararku waxay intaas ku darayaan in askartaas ay ku soo wajahnaayeen magaalada Muqdisho, balse ay u wada geeriyoodeen qaraxii miino ee lala beegsaday.