Dad ku geeriyooday Fataahada Wabiga Shabeelle ee Magaalada Beledweyne.

Beledweyne:-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dadkii ay doontu saakay kula dagtay wabiga Shabeelle ee mara magaalada Beledweyne, dadka ku howlan gurmadka loo fidinayo dadkii ku haftay biyaha ayaala sheegay inay ku geeriyoodeen dad ay ka mid yihiin Dahabo Xasan iyo Deeqo Axmed oo ka mid ahaa dadkii ay saaka Doonto la qalibantay.

Marwo Dahabo Xasan Axmed waxay aheyd la taliyihii arrimaha Haweenka Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare, waxaana ilaa iyo hadda la helin meydkeeda.

Allaha u naxariistee Deeqo oo iyadu aheyd gabar u dhaq dhaqaaqda arrimaha Bulshada ayaa goordhow maydkeeda laga helay gudaha Wabiga Shabeelle oo ay saakay kula dagtay Doon ay uga talaabayeen biyaha.

Waxaa jira dad uu ka mid yahay xoghayihii guddoomiyaha Beledweyne oo aan wali nolol iyo geeri midna lagu heyn, kuwaas oo haatan ay magaalada dul wareegayaan diyaarado Helicopter ah oo lagu baadi goobayo dadkaa la weysan yahay.

Dhanka kale guddiga ay dowladdu u xilsaartay gurmadka fatahaadaha oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in uu xirmay Garoonkii diyaaradaha ee magaalada Beledweyne, kadib roob xoog leh oo xalay ka da’ay magaalada