Ciyaartoyda Wembley oo Ku guulaysatay koobka Eng Yariisow ee Gothenburg

Magaalada GOTHENBURG Waxaa lagu qabtay tartan kubada cagta oo lagu maamuusaayey gudoomiyihii hore allaha u naxariistee Eng Yariisow.

Ciyaarahaas oo ay ka soo qeyb galeen ciyaartow Soomaaliya caan ka ahaa oo u ciyaari jiray qaranka Soomaaliya sida ciyaaryanadii Ibraahin Shaash iyo Cabdi Ismaaciil iyo kuwo kale oo badan.

Koobkii lagu xusaayey Eng Yariisow Waxaa finalka isugu soo baxay ciyaartoydii ka socotay Ingiriiska oo kala ahaa Wembley iyo Streatham. Wembley 2 iyo Streatham 1.