Boqolaal qoys oo saaka ka qaxay fatahaadaha saameeyay Beledweyne

Boqollaal qoys ayaa saaka lagu soo waramayaa inay guryahooda ka qaxeen kadib markii xalay illaa saaka uu fatahaad sameeyay webiga Shabeelle ee mara bartamaha magaalada Beledweyen ee xarunta gobolka Hiiraan.

Maamulka ayaa sheegaya in fatahaadda webiga iyo roobbabkii dhawaan ka da’ay buuraha ku teedsan magaalada ay barakiciyeen inta badan dadkii daganaa magaalada oo isugu tagay dhulka sare gaar ahaan deegaanka Ceel Jaale.

Sidoo kale ganacsatada magaalada ayaa saaka bilaabay inay alaabahooda kala baxaan bakhaarada ku yaala suuqa si aanay waxyeello uga soo gaarin biyaha socda.