Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho.

Muqdisho:-Wwasiirka gaashaandhiga iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ,ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi ay hoggaaminayso Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan caruurta iyo isku dhacyada hubaysan Virginia Gamba.

Mudane Xasan Cali Maxamed (Amardambe) Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo soo dhoweynta wafdigaasi ka dib la hadlay warbaahinta qaranka ayaa faah faahin ka bixyay ujeedka imaatinka wafdigan iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Wafdigan inta uu joogo dalka waxay kulamo kala duwan la qaadan doonaan mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay kala hadli doonaan howlaha ay u yimaadeen Soomaaliya.