Mahaad ka gashaan ka galaa!!

Waxeey aheyd wax igu cusub oo dhawaanahaan maqlay ”Mahaad ka gashaan ka galaa”, Markii aan maqlay oo aan maskaxda u gudbiyay, Jawaabtii ka timid waxeey noqotay madax gilgilid iyo aqbalaad la’aan. Waxeey uun iila ekaatay ”Laabta ka socodii”.

Waxeeyse kaloo i xasuusisay ereyadii kale ee ahaa ” Cirkoow soo dun/ ciiddooy dhaqaaq/Cara allooy kaalay/ Waxba dhawranmeynee/Alloow dhagaxya soo daadi//. Rabbiyoow adaan kaa megen galnee dhagaxyo ha nagu soo daadin.

Waa quus iyo is gelbin, waa rajo xumo. Waxaa qumman in aad ka fikirtaa sidii aad u noolaan laheyd, nabad iyo horumarna aad ugu noolaan laheyn, dadka kalena aad sida aad jeceshahay la jeclaan laheyd, sida ”Naftaada waxaad la jeceshahay la jecloow kheyrkaa”. Ka fikir in aad nabad hesho adna lagaa nabad helo, kolkaasaa wax waliba hagaagayaan, balse ka gudub ” Laab ka socoshada”!!.

Waa nasiib xumo iyo ayaan darro, haddii fikirkeenu iyo caqligeenu dhaafi waayaan ” Mahaad ka gashaan ka galaa”, oo haddii saas darafyadu kala joogaan, xagguu xalku ka imaanaa? Yaase laga sugaa Mubaadarada Xalka? Soow noqon meyno uun ”Isma dhaanto iyo dhasheed”!!.

Waxaa yaabka yaabkii ah, in xaalku saas ahaado, ishana la iska fiirsado, oo uun la joogo ”Jug-jug mahaaga joog” iyo iska daba shililiqoon salkiisu yahay ”Mahaad ka gashaan ka gelaa iyo Laabta ka soco”.
Haddaan la helin caqli fikira oo bedela laab ka socoshada, mubaadira fiican iyo cudud fulisa oo caddalad sal u tahay, waxaa uun nagu dhamaahaayo adduunyada, innagoon ubadkeena iyo ubadkooda u falin jid aan qodaxyo laheyn. Waxeey uun ahaanee caksiga Masafadii Sh. Axmed Wacdiyoow ee aheyd ”Durriyadaada dab looma aasee/ kuwa dambaan u dariiq faleynaa”.

Mahaad ka gashaan ka galaa, waxaa kaleey la micno tahay, labadii nin ee isugu faanay, anaa kaa geesisan iyo anaa kaa geesisan ee labada god inta isu qotay, qarqarka dambena iska duugay, laba middi qaatay ee fash iyo fashta iskala daalay illaa ay ka ruux baxaan. U fiirso, meesha Laab ka socoshaa shaqeysay ee Maskax, caqli iyo cindi ma shaqeyn.

Xuseen M.Cabdulle “Wadaad”
huswadad@hotmail.com