Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka ee oo kulamo ku leh magaalada Kismaayo

Kismaayo;-Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland ka socda kulamo ay la yeelanayaan guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka ee Golalaha Shacabka, kuwaasi oo shalay gaaray magaalada Kismaayo.

Xubnaha guddigan ayaa waxaa hogaaminaya guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji Eng. Carab, waxa ayna kulamo la qaateen bulshada qaybaheeda kala duwan, si ay la tashi iyo talooyin ugala sameeyaan arrimaha sharciga doorashooyinka Qaranka.

Guddiga soo diyaarinta Sharciga doorashooyinka ee Golaha Shacabka ayaa waxaa lagu wadaa in ay magaalada Kismaayo kula kulmaan Madaxda ugu sareeysa maamulka , si ay uga wada hadlaan arrimaha soo diyaarinta Sharciga doorashooyinka Qaranka .

Dhanka kale magaalooyin ay ka mid yihiin,Baydhabo, Dhuusamareeb, Jowhar iyo Garoowe ayaa ay xubnaha guddigu horay u tageen si ay bulshada iyo madaxda magaalooyinkaasi ugala soo hadlaan arrimaha doorashooyinka Qaranka