Booliska Kenya oo sheegay inaysan aqoon u lahayn Gaadiid dagaal oo Dawladdu ka soo iibsatay China.

Muqdisho:-Saraakiisha Booliiska Dalka Kenya ayaa cabasho weyn ka muujiyay gaadiidka dagaal ee ay adeegsadaan Booliska Kenya.

Gaadiidkan ay ka cabanayaan Saraakiisha ayaa ah nooc loo yaqaano APCs,kuwaasi oo dawladda Kenya ay Booliskeeda u siisay inay yihiin kuwo aan xabbadda karin , balse ay saraakiishu sheegeen inuusan ahayn mid ah, noocii loogu sheegay ama loogu talo galay.

Saraakiil ka codsaday warbaahinta in la qariyo magacyadooda, ayaa waxa ay u sheegeen wargeyska Daily Nation ,in gaadiidkan dagaal ee lagu magacaabo APCs uu yahay mi mararka qaarka nafsadooda halis geliya, maadaama ayay yiraahdeen haddii ay ku dhacdo dhawr xabbadood oo is xigxiga inuu ciladoobo oo aann laga soo dhex bixi krin gudihiis .

Booliiska Kenya Waxay sheegeen in cillad bixintiisa, aysan aqoon u lahayn farsamo-yaqaannada gaadiidka ee Kenya, tiro yar oo farsamo-yaqaanno ah oo u dhashay dalka China oo jooga Kenyana ay adag tahay in ay tagaan goobaha qaar

Dowladda Kenya ayaa waxaa ay sanadkii 2016kii China ka soo iibsatay gaadiidkan oo la sheegay in qiimihiisu uu ku kacay lacag dhan 3.8 bilyan oo shilinka Kenya.

Intooda badan waxaa ay ku dhamaadeen Qaraxyada Miinada ah ee Al-shabaab ka fuliyaan gobollada kala duwan ee Kenya.

Dhanka kale, waxaa arrintan ka gaabsaday afhayeenka Booliska Kenya Charles Owino oo diiday in uu la hadlo warbaahinta.