Africa, Dad badan ayaa u dhimanayo Heshiisyo, Annagana!!! (Ogow xaqiiqda jirta)

Africa Dad badan ayaa u dhimanayo heshiisyo Berri hore la galay, Tusaale: Faransa ayaa 1950-1960 go’aamisay in wadamo badan oo African ah ey Xureeyso, waana Sannadka aan u naqaan Sannadkii xuriyadda Afrika 1960 oo wadamo badanna ey xuroobeen.

Xur ma yihiin?

Waxaa 14 waddan laga sii saxiixay Heshiiskii joogteynta xiriirkii Isticmaarka oo ahaa:

1- in ey marka hore isticmaalaan Lacagta faransiiska.
2-Dugsiyada iyo Ciidanku waa in ey isticmaalaan Habkii Faransiiska.
3- in Luqadda rasmiga ahi xuriyadda kadib ey noqoto Luqadda Faransiiska.
4-in Lacagaha 14 Ka wada Ku qiimeeysnaadaan ,tan farance ,markii dib u eegidda lagu saleeyay Heshiiskii “Bretton Woods Agreement”.
6- in 85% Keydkooda la dhigu Bangiga farance.
7- In ey bixiyaan, Canshuur ah wixii ey Ka faa’iideen Isticmaarka.
8- in khayraadkooda dabeecigaa ee aan weli la sahmin uu faransiisku go’aan Ka gaaro.
9- iyo iyaga oo Bixiyo sannadkiiba Canshuur dadban, taa oo hadda gaartay 440 Billion oo euro Sannadkii.
10-in Go’aankii Kala bedelashada Lacagaha ee IMF-ta la raaco.

Ugu dambeeyn in Wadamada, Burkino- Fase, Guinea- Bissaw, Ivory Coast, Mali, Niger, Senegal, Togo, Cameroon, Afrikada dhexe, Chad, Equatorial Guinea, Gabon iyo Beniin, in Keydkooda iyo Sarifkoodu eynan Ka bixin gacanta Faransiiska.

Arrimahaa waxaa la socodkooda Darsiya oo joogteeya Labo Machad oo Miisaaniyadda ey Ku shaqeeyaan Dowlada Faransiisku bixiso, hoostagana Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo tan Maaliyadda ee Faransa.

Haddaba walaaloow/ walaaleey wadamadaasi Xur ma noqon karaan????

Waddankii isku dayo in uu ka baxo heshiiskaa, waxaa dhacaya wixii dhacay Markii la dilay madaxweynihii Afrikada dhexe, Md.Jean-Bedel Bokassa, ama sidii dhacday 16 mar oo Dawlada Faransa ey Afgambiyo Ka diyaarisay Afrika gudaheeda iyada oo u wakiilatay “Farance Secret Service”.

Xanuunka Canshuurta la kordhiyo waxaad Ku Xasuusan kartaa “Abaartii Bangal” ee Hindiya, ma aheeyn Abaar dabeeciya, waxaa Ku dhintay 3 Million Qof oo Hindi ah, Canshuurtaa waxaa dagaal Ku galayay Ingriiska.

Somaliya.

Annaga ,Heshiiska Mooska ee Beeraleyda Somalida waxaa Yurub u iib geeyn karay oo kaliya Talyaaniga, isaga ayaa Wadamada kale Ka Sii iibsan Karay, Talyaaniga oo faa’iido saaranayo, laakin Annagu toos uma geeyn karno. Iyo heshiisyo kale oo Somalida loo qariyay.

Ma sii wadda? Qoraalkaa sii dheeraanayo.

Ma la diidi karaa Heshiisyada ?. Haa, Tusaale: prof.Tuuryare oo ahaa Hormuudkii Kuliyadda Sharciga ee Jaamacadda Ummadda oo Dowladii Kacaanku u xilsaartay in uu Ka qeyb galo shirkii Xuquuqda Qoraalada ee “Copy Rights” markii wasiirkii baaqday, waxaa uu diiday in uu Heshiiska saxiixo, isaga oo loo Ballan qaaday in La siinayo $40.000 oo berigaa jirtay, isaga oo leh Luqadeena ayaa hadda la qoray, Isguuladana waxaan Ku dhignaa Luqadeena, haddii aan heshiiskaan saxiixo , Berri Ardaydeena Buugaagta Cilmiga ah si fudud looguma Soo tarjumi Kari doono.

Hadda waxaan Ka Baqayaa in Heshiisyo Ka culus kuwii Faransa la saxiixo,

Waxaa ila haboon, in Doowlad kasta ee aan shacabku Soo dooran ee la siiyay 4 Sanno si ey Dalka Nabad uga dhigto, Dibna ugu middeyso, eynan saxiixi Karin Heshiisyada waqtiga dheer ama heshiis ey saameeyntiisu Ka badan tahay 4taa Sanno oo ey xilka heeyso. Inta laga helayo Dowlad shacabku Soo dooraty oo Dalka oo dhan xakunto.Haddii kale Meel Ku gaar kasta waxa uu kaaga tagayaa Ma dhamaato.

FG: Arragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii aan Ka khalday iga sax.

Qore: Yahya Amir