Roobab ka da’ay Baardheere oo sabab u noqday inay ka barakacaan dad fara badan+Sawirro.

Daadad ayaa ka dhashey roobab lixaadle oo ka da’ay Degmada Berdaale ee Gobalka Baay, kuwaas oo geestay burburka guriyaha iyo goobihii ganacasiga ee Degmadaasi ku yiilay.

Dadka ayaa gabi ahaanba ka guuray gudaha Degmada maadaama dhulkii oo dhan ay jeex jeexeen biyo ka dhashay fatahaada roobka oo dadkii ay dhib ku noqotay in ay siijoogaan guriyahooda.

Musqulihii la isticmaalaayey.boosineerooyinkii iyo ceelashii biyaha ee laga cabayey ayaa dhamaan isku furmay, taas oo dadka deegaanka welwel kale ku abuurtay, maadaama ay ka dhalan karto cudurada faafa.

Goobo badan oo ganacsi ayaa badeecadihii lagu gadayey ay qaadeen biyo.

Dadka ka qaxey Degmada waxay xiligan ku sugan yihiin meel ku taala duleedka Koonfureed ee Degmada oo lagu magacaabo Shiidi Macalin Yaraw, halkaas oo saacadaha soo socoda laga cabsi qabo in ay gaaraan daadad ka dhashay biyaha hadii loo eego xawliga iyo xooga ay ku socodaan.

Maamulka Degmada Bardaale ayaa ka codsaday madaxda dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Madaxda dowladda Federaalka inay si deg deg ah gurmad ugu fidiyaan dadka ka baracay fatahaadda roobka ee haanta ku dhibaateysan duleedka magaalada.