Kooxo Hubaysan oo Xalay Magaalada Gaalkacyo ku dilay Taliye ka tirsan Ciidamada Puntland .

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Dil xalay Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhanka Waqooyi loogu geystay Taliye ku-xigeenkii Ciidanka Ilaalinta Wadooyinka Gobolka Mudug ee maamulka Puntland.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in rag ku hubeysnaa Bastoolado ay toogteen Taliye Maxamed Faarax xili oo ku sugnaa bartamaha Magaalada Gaalkacyo, isagoona u dhintay rasaas dhowr ah oo lagu dhuftay.

Sidoo kale ragii ka dambeeyay dilkaas ayaa goobta si deg deg ah ugu baxsaday luug yar oo xiligaas goobta ka Agdhawaa.

AKHRISO
Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Shil Gaari oo ka dhacay Somaliland

Oct 26, 2019
Sawirro:-RW Kheyre oo kulan la qaatay Safiirka Cusub ee Talyaaniga ee Somalia

Oct 26, 2019
Dhageyso:- Warka Habeenimo Ee Radio Dalsan

Oct 25, 2019
Intaas kadib Ciidamo ka tirsan laamaha amniga Puntland ayaa tegay halka uu falka ka dhacay, iyagoona soo qaaday Meydka Marxuumka la toogtay.

Waxaa kaloo Ciidanka howlgalo kala duwan ay ka sameeyeen Xaafado ku yaalla Waqooyiga Gaalkacyo, isla markaana ay ku raadinayeen ragii fuliyay dalka Taliye Maxamed Faarax, hayeeshee kuma guuleysan inay soo qabtaan.

Todobaadkii hore ayaa lagu dilay Magaalada Gaalkacyo, Madaxii Kastamyada Canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda, waxaana amniga Gaalkacyo uu u muuqdaa mid faraha kasii bayo, iyadoona aysan jirin cid soo qabtay falalka amni darro ee halkaas ka dhacaya.