Hay’adda IMF???. =Qormo Xiiso Xambaarsan=

Dadkaaga Culeeysi, Canshuuraha Ku badi, kadibna Deynta ayaan kaa cafinayaa, iyo Dib ugu noqo weli taalaabo kale ayaa kuu dhiman, ma dhamaataa la yiraa.( F.S: 1aad).

Xatta haddiiba lagaa cafiyo oo shuruudaha sharta aad buuxiso, kadib iska fiirii, Sababta lagaaga cafiyay , Mar mar waa:( waan kaa cafiyay laakin 3 Dalaaqo ayaan kugu qabaa, furiinkuna waa xageeyga, Xurna Uma tihid in aad Cid kale la macaamisho.taasaana Ka sii darin tii hore ee iska fiiri)

Fiiri Taariikhda waddamo badan ayaa rafaadkaan Soo maray, kuwaa ayaa Cashar noogu filan. Dariiq kale oo Ka fudud ayaa jiro.

Markii aan Ardayda aheeyn, Macalimiinteenii Kuliyadda Dhaqaaluhu markaan oo kale waxa ey na dhihi jireen, Qandaf Qandaf lama rabee, iska fiiriya: Maadooyonka “political economy” iyo “Economic policy” kadibna la xiriiriya Maadada ” International economy” .Saddaxdaa oo isku xiran Ku dhax fekera, Xaaladaha adag. !!!!!!!

Masuuliyiinta Toowfiiqda ALLA ha waafajiyo .

Qore: Yahya Amir