Wararkii ugu Dambeeyay ee Dhuusamareeb iyo Xal laga gaaray xiisadii ka taagneed Halkaasi.

Warar naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in xal laga gaaray xiisadii u dhexeysa ciidamada booliska Soomaaliya iyo kuwa Ahlusuna ee ka taagneed Magaaladaasi.

Taliyaha ciidanka Booliska degmada Dhuusamareeb Cabdullaahi Xasan Macalin ayaa sheegay in xaalada Magaalada Dhuusmareeb ay tahay mid degan,isla markaana wixii ka dhacay ay ahaayeen wax aan sidaasi u weyneyn lana xaliyey.

Sidoo kale taliyaha ayaa waxaa uu beeniyay in ay jiraan ciidamo ka tirsan Ahlusuna oo la wareegay Xarumaha qaar eek u yaala magaalada Dhuusamareeb.

Dhanka kale Ciidamada booliska ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay xiray askarigii rasaasta Ku furay xarun uu Ku dugnaa madaxa xukuumadda maamulka Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan.