Soomaaliya oo markii ugu horeesay muddo 30 sanno ah Lacag ka heshay shidaalka iyo kheyraadka kale ee dalka.

Dowladda federaalka ee Soomaaliya oo sanadihii dambe ku hawlaneyd sidii looga faa’ideysan lahaa kheyraadka dalka oo dhawaan la filayo in la soo bandhigo xajmiga uu la egyahay qeybihii sahanka lagu sameeyay.

Kadib dadaalo badan oo ay maxdaxda wasaaradda batroolka iyo macdanta ee Dowladda federaalka ee Soomaaliya ka samayeen dib u soo celinta xiriirka shirkadaha ku leh xirmooyin shidaal iyo kuwo kale oo maal gashi cusub ka samaysta Soomaaliya ayaa waxaa lagu guulaystay in lagu qanciyo shirkadahaas lagu leeyahay ijaarka xirmooyinka ay haystaan”, sidaas waxaa sheegay wasiir ku xigeenka wasaaradda Batroolka iyo macdanta ee dowladda federaalka ee Soomaaliya, Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal oo qoraal kooban kusoo qoray bartiisa fbga.

Waxaa uu inta raaciyay in heshiis ku saabsanaa bixinta ijaarka xirmooyin Shidaal oo ay galeen wasaaradda batroolka iyo macdanta iyo Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil bishii Juun ee Sanad kan, shirkadahaas na ay dowladda federaalka u shubeen lacag dhan 1.7 milyan oo doolarka mareykanka.

Waxaa kale oo uu wasiir ku xigeenka sheegay in lacagtaas ay tahay qeybtii u horeeysay ee ah ijaarka shirkadahaas lagu lahaa soddonkii sano ee la soo dhaafay.

Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale ka hadlay qaabka lacagahaas ay u qeybsan doonaan dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, maadaama ay horay ugu heshiiyeen qeybsiga kheyraadka dalka ee heshiiskii Baydhabo ka dhacay.

“Maamulka Lacagtan ayaa ku salaysnaan doona heshiiskii kheyraad wadaaaga ee ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada” ayuu shaaciyay wasiir Ku xigeenka batroolka iyo macdanta ee Dowladda Federaalka, Maxamud Cabdiqaadir Hilaal qoraalka koobnaa oo uu ku qoray fbgiisa.

Bil kahor ayay ahayd markii shir lagu lafa gurayay sida looga faa’ideysanayo kheyraadka shidaalka uu leeyahay dalka Soomaaliya oo ay soo abaabushay wasaaradda macdanta iyo batroolka ee dowladda federaalka Soomaaliya lagu qabtay magaalada Addis Ababa.

Sidoo kale waxaa jiray wallaac laga muujiyay qodidda shidaalka sooamaliya maadaama lagu sheegay dowladda inay beecisay 50 xirmood oo ka mid ah xirmooyinka shidaalka soomaaliya inkastoo markii dambe ay beenisay xukuumadda arrintaasi.