Noqo Akhriye Wanaagsan si aad u Noqoto Madax la Jecel Yahay!!!

Cilmi, Caqli iyo Aqoon ayaa laga helaa akhriska badan, fahamka iyo garaadka qofka ayuu kobciyaa, saqaafad iyo waayo aragnimo aad u mug weyn ayaa laga dhaxlaa, xaqiiqdii qofba-qofka uu ka akhris badan yahay waa ka horumarsan yahay!

Hubaashii in badan oo ka mid ah bulshadeenu ma-dareensana ahmiyada uu leeyhay akhriska, caajis iyo wahsi ayaa ka hor-taagan, nasiib wanaag muddooyinkaan dambe xooggag u badan dhallinyaro ayaa ku soo baraarugay qiimaha uu leeyahay akhriska.

Goobaha cilmiga iyo Maktabadaha loogu tala-galay wax akhriska waxaad ku arkaysaa dad saaxiib dhaw la ah, oo jecel isla markaana uu #Hiwaayad u yahay wax-akhriska, runtii akhrisku wanaag mooyee marnaba laguma qasaarayo!

Waa maalinimo Talaado ah, abaarihii waa 11:20 Barqanimo, Aniga iyo asaxaab kale waxaan booqasho ku tagnay xarunta cusub ee dhallinayrada G/Banaadir, soo dhaweyn kadib waxaa naloo gudbiyay Xafiiska Guddoomiyaha Dhallinayarada G/Banaadir Cabdi-kaafi Maxamuud Makaraan, gudaha markii aan u galnay Xafiiska waxaa markii ugu horeysay ay ishayda qabatay dhawr Buug iyo Wargeysyo isugu jiray Maalinle, Toddobaadle iyo kuwo Xilliyeed ah, kuwaasi oo saarnaa miiska Guddoomiyaha.

Is-wareysi kadib, Anigoo ku faraxsan Warsidayaasha hortayda yaalo ayaa Guddoomiyaha waxaan weydiiyay “sidee kuugu suura gashay intaan oo Wargeys inay Xafiiskaaga soo gaaraan? isaga oo iiga war-celinaya su’aashaas ayuu igu yiri “Warsidayashaan aad arkayso waxay isugu jiraan qaar Xafiiska la keeno iyo qaar aan Suuqa ka soo iibsano, si ay dhallinyaradu ugu dhiirato wax-akhriska, isla markaana ay ula socoto hadba xaaladda jirta”

Sheeko dheer kadib Guddoomiye Makaraan waxa uu ila wadaagay in akhrisku uu ka mid yahay #Hiwaayadiisa gaarka ah, waxaana uu ii sheegay xitaa haddii ay shaqada ka badato inuu habeenkii wax akhriyo ka hor inta aanu seexan, isaga oo intaasi ku darey inuu saaxiib dhaw la yahay xarumha cilmiga iyo aqoon faafinta, maktabadaha iyo bahda qoraalka.

Mar aan weydiiyay sidee dhallinyarada loo jecleysiin karaa wax akhriska ayaa waxa uu ii sheegay in marka hore loo baahan yahay in la fahmo oo aqoon loo yeesho siyaabaha wanaagsan ee wax loo akhriyo, taasi oo uu tilmaamay inay keeni karto inuu qofku xiiseeyo wax-akhriska.

Sidoo kale waxa u ii sheegay akhrisku inuu u baahan yahay qorshe, samir iyo dulqaad, dhiiri galin, ku noq-noqosho Iwm, isaga oo dhallinyarada uga digay inuu waqtigooda qaaliga ah ku dhaafo dheel-dheel iyo wax akhris la’aan.

WD:C/laahi Shiikhaalow