Mucaarad Xisbi shirkaa Furtay, ee Banaanka u baxay, wixii loo keeno haku Samro=Nasashada Jimcaha.Q-171aad=

1-Laba wiil oo wallaalo ahaa oo kaligood Guri wada degenaa ayaa waxaa Miyiga uga timid gabar Adeerkood dhalay si ey cuntada ugu kariso uguna adeegto. Muddo kadib ayaa Gabartii Uur yeelatay, waxa ey ku yiraahdeen, Magaaladaan Qaraabo kale nooma joogto ee hana Ceebeeyn, Guri gooniya ayaan ku dajineeynaa, Anagaa sidii xaas aan wada qabno kuu biileeyno, Haddii aad dhashana Ubadkaa Labadeena wiil ayuu naga dhexeeyaa.

Gabadhii ayaa Foolatay, Isbitaal ayeey wada geeyeen. Waxa ey ku daahday Fooshii, Labadii wiil mid ayaa yiri: Annigu Baananka isbitaalka ayaan u baxayaa, Gaarigeeyga ayaa ku dhax nasanayaa, Haddii ey dhasho,ii soo sheeg. Saacad kadib ayuu u yimid isga oo ooynayo, waxa uuna ku yiri: Gabdhii Mataano ayeey dhashay, keeygiina waa dhintay.

(Mucaarad Xisbi shirkaa Furtay, ee Banaanka u baxay, wixii loo keeno haku Samro)

2-Naag aad u taajir aheyd oo Bakhiilad aheyd ayaa waxa ey laheey Saddax Gabdhood oo laga wada Aroosay, waxa eey aaday Saddaxdeedii Gabdhood si ey u soo tixaajiso Saddaxda wiil oo ey Sodohda u tahay. kii koobaad ayeey u tagay iyada oo la socoto wabiga dhinaciisa ayey wabigii isku tuurtay, kuna qeylisay i badbaadi. Wuu dabaashay , waana ka soo saaray. Subaxdii ayuu loo keenay 1 Million Dollar iyo warqad ey ku qoran tahay “ Waa hadiyadii Sodohdaa” Kii labaad ayeey sidii oo kale yeeshay, wuuna soo badbaadiyay. Subaxdii ayaa loo keenay 1 Million Dollar iyo warqad ey ku qoran tahay “ waa Hadiyadii Sodahdaa”. Kii Sedexaad ayeey isaga oo la socdo wabiga isku tuurtay, kuna qeylisay i badbaadi. Waxba uma qaban ,weeyna dhimatay Sodohdii.

Subaxdii Dambe ayaa loo keenay 10 Million Dollar iyo warqad ey ku qoran tahay “ waa Hadiyadii Sodogaa”. ( F.S: 1aad)

( Deeyn 1 Million ah, ayaan kaa cafiyay, anna 1 million ayaan kaa cafiyay. Armeey ku xigtaa Meydka Deriskiisii ayaa dhaxalay, anna 10 Billion ayaan ku lahaa)

3-Haweeney ayaa waxa ey leheey Laba Gabdhood, waxa ey Rabtay in ey Diinta Bartaan, Diina ma bartaan, Laakin habeen kasta waxa ey ku duceeysan jireen, Alloow Niman noo sahal. Hooyadii ayaa Waxa ey u tagtay Shiikh lahaa labo wiil arrintii ayeey u sheegaty kuna tiri: Gabdhaheeygu Nin iyo Aduunyo kaliya ayey ku duceeystaan, anna waxaan rabaa in eynan Aakhiro hilmaamin. Waxa uu ku yiri: waxaa ii joogo Laba wiil oo diinta aad u yaqaan weligoodna Habeen kasta kitaabu Diinaya ayeey Akhristaan, weliggodna ma arag iyaga oo Aduunyo ku duceeysano, Aakhiro kaliya ayeey ku duceeystaan.

Wiilashii aakhiro ku duceeysan jiray ayaa mid ka mid ah waxaa u yimid Aabihii iyo Haweeneydii, waxa eyna ku yiraahdeen Gabdhahaa Aakhiro bara oo sidiina oo kale Suufiyaal ka dhiga, Arrintaanna Walaalkaa u sheeg markuu yimaad.

Wiilkii waa orday walaalkii oo kitaab akhrisanyo ayuu u tagay, wuxuuna ku yiri: war kitaabka iska tuur, wixii aan ku duceeysaneeynay ayaa la heleye.

(War caruurta Aduun iyo Aakhiraba hala baro. Laakin, wadamada na leh Annagu, mustaqbalkiina ayaan dhiseeynaa, maxeey ku duceeystaan ma taqaan, Mustaqbalkaaga inay Maamulaan miyaa?)

4-Haweeneey Reer Jabuti ah ayaa Xamar siminaar u soo aaday, Ninkeeda ayaa markii uu Airport-ka Jabuti ku soo sagootinayay, waxa ey Ku tiri: Maxaan Xamar kaaga keenaa? Si kaftan ah ayuu u yiri: Gabar Xamaraawi ah iiga keen.

Markii ey Jabuti dib ugu soo noqotay, ayuu ku yiri: Xamar maxaad iiga keentay? Waxa ey ku tiri: Gabadhii Xamaraawiga ee aad ii Dirsatay ayaan kuu wadaa , laakin Sagaal Bilood kadib ayaad ogaanee. ( F.S: 2aad)

( Kaftanka qaar yuuna ka daran kuu keenin)

5-Axmed Gardheere, oo Xaasle ahaa ,ayaa Saaxiibtii u tagay, waxa ey ku tiri: Saaxiiboow Garkaan iska xiir waxaan Rabaa in aan arko wajigaaga Runta ah. waxa uu ku yiri: Garkan Muddo dheer ma xiirin, Xaaskeeyga ayaana Jecel, mana xiirayo, Dhowr jeer markii ey ku Celcelisay, ayuu ka ogolaaday waana iska xiiray.

Habeen barkii ayuu Gurigiisii tegay, Xaaskiisii oo hurdee naalkuna u dansanyahay, wuuna iska dhinac seexday, laba saac kadib ayaa xaaskiisii soo toostay, wajiga ayeey ka salaaxday, waxa eyna ku tiri: Waryaa Cali ilka case, dhaqsi u bax Saacadaan Ninkeeygii waa soo dhawyahaye. ( F.S: 3aad)

(War rag Gar deysto waa bateene, amuu Garku yahay Calaamad laguugu khasbay si laguugu aqoonsado in aadan Cali Ilka case aheeyn)

6-Nin ayaa u tagay dhakhtarka Ilkaha si Goows looga siibo. Dhakhtarkii ayaa soo qaatay Cirbad si uu kabaabyo ugu duru oo uuna Xanuunka u dareemin. Ninkii ayaa yiri: Datoore Cirbadda waan Necebahay ee wax kale iigu bedel. Haddana Waxa uu soo qaatay Doowo lagu Buufinayo. Ninkii ayaa yiri: Datoore Buufiska waan necebahay, ee wax kale iigu bedel. Waxa uu yiri: Kaniini ayaan ku siinayaa, wuunana ogolaaday Bukaankii. Dhakhtarkii ayaa u soo qabtay 5 Xabbo oo “ Viagra” ah. Ninkii ayaa yiri: Datoore oo Viagra ma xunuun Joojiyuu ahaa? Dhakhtarkii ayaa ku yiri: Maya ee markii Xanuunku kaa bato ayaad helee Tiir aad Cuskato. ( F.S: 4aad)

( Ummadyeheey, Haddad diiday Diinta aan isku Xukunno, oo aad Diiday Dastuurka aan isku Xukuno, Maxaad Tiir ka dhigatay?)

Qore: Yahya Amir