Howlgal lagu khaarijiyay horjoogayaal ka tirsanaa kooxda Daacish oo ka dhacay Deegaano ka mid ah Puntland

Boosaaso:-Howlgalkan ballaarnaa islamarkanaa ahaa mid qorsheysan ayaa lagu bartilmaameedsanayay goobo ay ku dhuumaalaysanayeen kooxaha argagixisada Daacish ee ku sugan deegaanada Puntlanad,iyadoo lagu khaarijiyay horjoogayaal sare.

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal ay ka fuliyeen meel u dhow buuraha Goolis ee Puntland ku dilay ilaa 3 horjooge oo ka tirsanaa koxda Daacish ee argagixisada ah,kuwaasi oo dhibaatooyin ku haya shacabka,sida ay wakaaladad SONNA u xaqiijiyeen saraakiisha howlgalkaasi hoggaaminaysay.

Goobta howlgalkaasi uu ka dhacay ayaa khayaas ahaantii 150 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee Puntland.

Marka laga soo tago khaarijinta horjoogayaashaasi dhanka kale ma jiraan wax khasaare ah oo uu soo gaaray shacabka mudadii uu howlgalkaasi socday,sida ay saraakiil xaqiijiyeen.

Dhanka kale howlgalkan oo ahaa mid qorsheysnaa ayaa qeyb ka ah beegsiga lagu hayo maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha kooxaha argagixisada oo ku dhuumaalaysanaya qeybo kamid ah gobolada dalka.