Guddiga Qabanqaabada Doorashada Galmudug oo iska dhex doortay Gudoomiyr iyo ku xigeen.

Dhuusamareeb:-Guddiga qaban qaabada doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta kulan ay yeeshaan iska dhex doortay Guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeen, si ay u gutaan waajibaadka loo igmaday, kaasi oo lagu qabtay magaalada Dhuusarameeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ahna xarunta dowlad Goboleedka Galmudug.

Mudane Cabdinaasir Geelle ayay guddiga u doorteen in uu noqdo guddoomiyaha Gudigga Qaban qaabada doorashada Galmudug halka Guddoomiye ku-xigeen loo doortay Mudane Axmed Maxamed Caafi, kuwaasi oo ahaa xubno ka tirsan Guddiga doorashada Galmudug.

Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cabdinaasir Geelle ayaa mahadcelin kaddib waxa uu shaaca ka qaaday inay sii dar dargelin doonaan hannaanka doorashada Galmudug.

“Waxaa noo yaalo howl culus dhamaanteen, team ahaan iyo qof qof ahaan, howshaas culusna waxa ay tahay, waa howl aan hal qof qaban karin labo qofna qaban karin saddex qofna aysan qaban karin, bulshada reer Galmudug iyo Ummadda Soomaaliyeed waxa ay naga sugayaan inaan howshaas naloo igmaday ka soo dhalaalno, Ilaah waxaan ka baryaynaa in uu ceebteena ku asturo, inaan Ummaddaas wixii naloogu dhiibay aan siday ahayd uga soo dhallaalno, inaan u caddaalad sameyno, inaan u soo saarno ugana shaqeyno wax dhamaantood ay dhihi karaan wey na matalaan, wey noo qalmaan, waa nagu haboonyihiin, intaas ayaan Illaahey ka baryaynaa” ayuu yiri Guddoomiye Cabdinaasir oo hadalkiisa ku daray “Waxaan u sheegeynaa Ummadda reer Galmudug iyo shacabka Soomaaliyeed labadaba in maanta wixii ka dambeeya howshii naloo idmaday ee ahayd farsamada Maamul u sameynta Galmudug aan halkaasi ka sii wadi doono, lana wadaagi doono xiliyada soo dhaw qorshe howleedkeena aan damacsannahay inaan sameyno.

Mudane Axmed Maxamed Caafi oo isna ah guddoomiye ku-xigeenka Guddiga qaban qaabada doorashada Galmudug ayaa tilmaamay in xubnaha kale ay iska kaashan doonaan sidii ay u sii wadi lahaayeen howlaha loo igmaday.

“Waxaan amaan iyo bogaadin u jeedinayaa Guddiga farsamada Maamul u dhisidda dowlad Goboleedka Galmudug oo maanta si habsami leh u bilaabay isku daba-ridka arrimahiisa gudaha, waxaan u mahadcelinayaa inay noo doorteen hogaanka guddiga, waxaana naga go’an annagoo kaashaneyna xubnaha guddiga oo dhan inaan dadka iyo deegaanka Reer Galmudug u horseedno hannaan wanaagsan oo ay ku dhexlaan dowladnimo iyo horumar”. ayuu yiri Axmed Maxamed.

Guddiga ayaa maalmaha soo socda waxa ay si rasmi ah u bilaabi doono howlaha farsamo ee doorashada Galmudug, iyadoo hannaanka doorashada ay ugu horeyso soo xulidda Xildhibaannada oo hogaan yeelan doona halka ay xigi doonto doorashada Madaxweynaha.

Saraakiil ka tirsan hay’adda socdaalka oo tababar loo soo xiray +Sawirro
By Aadan Sooyaal / October 25, 2019

Muqdisho-(SONNA)-Saraakiil ka tirsan hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliya ayaa tababar soconayay Saddex Cisho loogu soo geba-gabeeyay Magaalada Muqdisho.

Tababarkan oo ay sidoo kale ka qeyb galen Saraakiil ka socota laamaha ay hay’addu ku leedahay Gobollada Dalka ayaa waxaa lagu baranayay Casharro ku saabsan Isticmaalka qalabka iyo hababka casriga ah ee loogu adeegsado howlaha socdaalka.

Agaasime ku xigeenka hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, Cabdullaahi Xaaji Bashiir, ayaa uga horeyn uga mahadceliyay hay’adda socdaalka Adduunka (IOM), oo soo qaban qaabisay tababarkan.

Mudane; Cabdullaahi Xaaji, ayaa ugu dambayn waxa uu Shahaadooyin guddoonsiiyay Saraakiisha tababarkan loo soo xiray, wuxuuna kula dardaarmay in aqoonta kororsadeen ay ku dabbaqaan shaqooyinka ay ka hayaan xarumaha hay’adda ee ay ka kala yimaadeen.

Agaasime ku xigeenka hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa ka qeybgalayaasha faray in cilmigii ay halkan ka korodhsadeen ay uga faa’ideeyaan Saraakiisha ay xarumahooda kaga yimaaddeen ee aan tababarkan nasiibka u yeelan.

Howlgal lagu dilay 3 horjooge oo ka tirsanaa Daacish oo ka dhacay Puntland
By Ali Abdulkadir Ali / October 25, 2019

Boosaaso(SONNA) Howlgalkan ballaarnaa islamarkanaa ahaa mid qorsheysan ayaa lagu bartilmaameedsanayay goobo ay ku dhuumaalaysanayeen kooxaha argagixisada Daacish ee ku sugan deegaanada Puntlanad,iyadoo lagu khaarijiyay horjoogayaal sare.

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal ay ka fuliyeen meel u dhow buuraha Goolis ee Puntland ku dilay ilaa 3 horjooge oo ka tirsanaa koxda Daacish ee argagixisada ah,kuwaasi oo dhibaatooyin ku haya shacabka,sida ay wakaaladad SONNA u xaqiijiyeen saraakiisha howlgalkaasi hoggaaminaysay.

goobta howlgalkaasi uu ka dhacay ayaa khayaas ahaantii 150 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee Puntland.

Marka laga soo tago khaarijinta horjoogayaashaasi dhanka kale majiraan wax khasaare ah oo uu soo gaaray shacabka mudadii uu howlgalkaasi socday,sida ay saraakiil xaqiijiyeen.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysnaa ayaa qeyb ka ah beegsiga lagu hayo maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha kooxaha argagixisada oo ku dhuumaalaysanaya qeybo kamid ah gobolada dalka.