Dowladda oo dardargelinaysa wax u qabadka dadka barakacayaasha

Gudoomiyaha Hay’ada Qaxootiga Qaranka Aamino Siciid Cali iyo Mas’uuliyiin ka kala socotay Wasaaradaha Arimaha Gudaha,Qorsheynta iyo Gargaarka, ayaa waxaa magaalada Gaalkcyo kulan is xog wareysi ah ay kula yeesheen dadka barakacayaasha ah ee ku nool magaalada Gaalkacyo.

Kulanka waxaa Goobjoog ka ahaa Maamulka Degmada Gaalkacyo, kan Gobolka Mudug,iyadoo looga hadlay dhibaatooyinka haysta dadka barakacayaasha ah iyo sidii wax loogu qaban lahaa.

Mas’uuliyiinta ayaa waxa ay su,aalo waydiiyeen qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ee ku sugnaa goobta kulanka ka dhacayey, iyadoo ay halkaas barakacayaashu ka hadleen si guud ahaaneed xaaladooda nololeed iyo baahida hadda ka jirta xarumaha ay ku nool yihiin (IDPs)ka Gaalkacyo.

Haddaba dadaalada ay wadaan Hay’adda Qaxootiga Qaranka iyo saddexda Wasaaradood, ayaa qeyb ka ah qorshayaasha ay Xukuumadda Dowlada Federaalka ku hormarinayso barakacayaaaha, kaasoo ah daboolida baahiyaha aasaasiga ah ee dadka dhibaataysan ay u baahan yihiin.