Ciidamada Boliiska Hirshabeelle oo howlgallo ka sameeyay Magaalada Jowhar

Jowhar:-Ciidanka Booliska Hirshabeelle oo Xalay howl-gallo lagu xaqiijinayo ammaanka ka sameeyay Magaalada Jowhar ayaa Gacanta kusoo dhigay Dad looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Argagixisada Al-Shabaab.

Howl-galladan oo Saacado badan ka socday Xaafahada kala duwan ee Magaalada ayaa u socday si habsami leh oo ay feejignaani ku dheehan tahay, iyagoo kaashanaya Shacabka halkaasi ku dhaqan.

Booliska Magaalada Jowhar ayaa kordhiyay howl-galladooda ka dhanka ah Argagixisada Al-Shabaab, iyagoo marar kala duwan ay Ciidanka ammaanku soo qabteen xubno ka tirsan nabad-diidka oo ku howlanaa falal lid ku ah amniga.