Yaa is Ku milqiyay qodabadii Dastuurka Dalka?.

1-Qodobada la xiriira Xuquuqda Haweenka ee Dastuuriga ah sida: Qodobka 164aad, Faqradda 5aad, xarafka -J waxaa ku qoran in Ninkii Guursada Hal Xaas Ka badan uu Cumrigiisu kordhayo 12/100. (F.S: 1aad)

Waxaa lagu bedelay in Qofkii Xil Siyaasadeed isku sharaxo 4 Sanno Ka badan in uu Xoola beel ama Xabbad Ku baxayo.

2- Qodobka 75aad ee Xuquuqda Haweenka faqrada 8aad ayaa Haweenka u ogol in waqtiga Arooska ey Raga si qasab ah uga saxiixi karaan in uuna Xaas kale la guursan Karin.( F.S: 2aad)

Odayaasha & Xildhibaanada waxaa waqtiga Doorashada si qasab ah looga saxiixi karaa in eynan Cid kale u codeeyn Karin.

3- sida uu qabo Qodobka Dastuuriga ah ee Xuquuqda Haweenka Qodobka 82aad, Faqradda 7aad, xarafka -B, haddii Raggu ey Baraha bulshada Xiriir kula sameeyaan Haween kale, waa la Bacaari karaa ilaa 100 Karbaash.

Haddii Siyaasiga suntanu uu Ka qeeyb galo, Shir Mucaarad oo uuna fasax u heeysan isgana waa la ciqaabi karaa.( F.S: 3aad)

War Dastuurka ha la dhowro, gaar ahaan Qodobada Xuquuqda Haweenka.

Qore: Yahya Amir