Wasiir Beyle “Cidii tiraahda Soomaaliya ayaa Musuq maasuq ka jira Maxkamad ayaan la Tiigsan Doonaa..”

Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta hortegay Golaha Aqalka Sare ee dalka, isagoona ka hor akhriyay Akhrinta 1aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka.

Wasiir Beyle ayaa sheegay inay Maxkamad la tiigsan doonaan ciddii mar kale tiraahdo Soomaaliya ayaa musuq-maasuq ka jiraa.

”Wiligeen baa nala-lahaa Soomaaliya laguma kalsoonaan karo, waxba looma dhiibi karayo, saxiixoodu ma shaqeynayo, Tuugta ugu waaweyn baa joogta, 148 wadan ayaa la leeyahay Soomaaliya waxey ka tahay dalka ugu horreeya xagga musuqmaasuqa, waxaan leenahay bal halka aynu musuqmaasuqa uga caan baxnay inoo sheega, ”ayuu yiri Wasiir Beyle.

Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Maaliyada ayaa waxaa uu tilmaamay in hay’addaha soo saara warbixinadda la xiriira Musuq-maasuqa looga baahan yahay inay dalka yimaadan oo ay arkaan sida uu u shaqeeyo nidaamka Maaliyada dalka.