Macawiisley iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay Deegaanka Aboorey ee Gobolka Hiiraan

B/Burde:-wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Deegaanka Aboorey oo hoosta degmada Buulo-burde waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeya kooxda Macawiisley iyo Maleeshiyada Al-Shabaab.

Dadka Deegaanka ayaa sheegaya in dagaalkaas uu yimid, kadib markii kooxda Macawiisley ay weerar ku qaadeen fariisimo Al-Shabaab ay ku leeyihiinm duleedka magaalada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.

Ciidamo dowladda Soomaaliya oo ka baxay degmada Buulo-burde ayaa la sheegay inay gurmad ahaan uga biireen dagaalka, iyaga oo garab siinaya kooxda Macawiisley oo gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe kula dagaalama Al-Shabaab.

Dhanka kale wali lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas oo wali socda si ay noo xaqiijiyeen dadka shacabka ah ee ku nool deegaanka Aroorey oo hoos taga degmada Buulo-burde.