Ciidamada Midowga Europe oo ka soo bad baadiyay Badda ciidan Soomaaliyeed

Muqdisho:-Howlgalka Midowga Europe ee biyaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay soo badbaadiyeen todobo Askari oo ka tirsan ciidanka Badda Soomaaliya kuwaas oo ku xanibmay meel xeebta ka fog.

Ciidanka Badda ee midowga Europe oo Soomaaliya u jooga in ay la dagaalamaan bur-cad badeedda ayaa sheegay in ay Axadii codsi ka heleen doon ay leeyihiin cidanka badda Soomaaliya taasi oo ku go’doontay meel 60km waqooyiga kaga began magaaladda Cadale ee gobolka Shabeeladda dhexe.

Doonta waxaa qabsaday cilado farsamo waxaana ciidanka saarnaa ay ka wal-waleen badbaadadooda, sida uu sheegay howlgalka Midowga Europe.

“Ciidanka badda Midowga Europe ee Soomaaliya jooga waxay qaadeen roondo badda ah iyo dullimaad diyaaradeed si ay u ogaadaan meesha ay ku go’doonsantahay doonta Ciidanka Badda Soomaaliya” ayaa lagu sheegay war uu howlgalku soo saaray.

Ciidanka Soomaaliyeed waxaa ay caawimaadu gaartay saacadihii hore ee Isniintii waxaana la siiyay raashin, biyo iyo caawimaad farsamo.

“Todobo Askari oo ka mid ah Ciidanka badda Soomaaliya ayaan iyagoo bad qaba soo celinay” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Badda ee Midowga Europe Antonio Planells Palau.