Ciidamada Jubbaland oo Al-Shabaab ka eryay deegaan ka tirsan Jubbada Hoose

Kismaayo:-Dagaal u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada maamulka Jubbaland ayaa waaberigii hore ee saakay ka dhacay deegaan lagu magacaabo Jedacaley oo hoos taga degmada Badhaadhe oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka oo socday muddo kooban aya waxaa la sheegay in uu ka dhashay khasaare soo kala gaaray labada dhinac, wallow aan la xaqiijin inta uu dhanyahay hadana qof ku sugnaa deegaankaas ayaa sheegay in uu arkay xoolo ay xabado ku dhaceen, kuwaas oo u badan Lo’.

Deeganka Jadacley oo qiyaastii 19-KM u jira degtmada Badhaadhe ayaa waxaa kolkii hore maamulayay dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxaana la wareegay oo hadda gacanta ku haya ciidamada maamulka Jubbaland oo iyagu saakay weeraray.