Taliye Maxaadeey Saleebaan Eebakar oo maanta aas qaran loogu sameeyey Mogadishu

Waxaa maanta aas qaran loogu sameeyey taliye Maxaadeey Saleebaan Eebakar oo lagu dilay dhawaan agagaarkii Hotel Naasohablood 2 ee magaalada Mogadisho.

Taliye Maxaadeey ayaa waxaa uu ahaa Taliyihii Kumaandooska Soomaaliya, isagoona lagu tababaray dalka Turkiga, sidoo kalena ahaa Taliyihii hogaaminaayay Ciidankii xoreeyay Degmada Awdheeglle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Aaskaasi oo ay ka qeyb galeen hogaamiyayaal oo uu ka mid ahaa Madaxweynihii hore mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.