TAARIIKHDA MA AHA MID LAGA BEEN SHEEGI KARO, QABIIL GAAR U LENA MA JIRO:

Taariikhda Halgankii xuriyadda umadda Soomaaliyeed dad badan baa ka soo qayb qaatay, waxaan ka xusi karaa dagaalkii lagu jabiyay Bortaqiiska 1500 ee Barawe, Dagaalkii Balcad ee lagu jabiyay ciidankii Boqor Mililiq. Dagaalkii Lafoole ee socday 20 sano ee gumaystaha Talyaniga lagu jabiyay ee ahaa kii labaad marka laga reebo Sayidka ugu dheeraa, iyo ciidankii Darwiishta Koonfurta halgankoodi.

Nabiib daro waxaa arkay sawir ay lahayn Halgame Ay Fay Ali Nur, oo Talyaniga qoray oo laga jaray hoosta iyo magaceeda si loo qariyo halkankeeda, oo meelo kale lagu sheegaayo oo dhex socda baryahaan barta bulshadda FB iyo Twitter.

Hajiya Fay Ali Nur waxay ahayd Gabar u dhalatay beesha Digilmirifle sida ka muuqata taariikhda dhabta ahayd ee yaala margtabadaha lagu keeydiiyo taariikhda aduunka, Waxaan walaalaha Soomaaliyeed ka codsanayaa inay aad uga fogaadaan in taariikhda been laga sheego, oo qofkasta oo Soomaaliyeed oo qayb ku lahaa taariikhdaas halkankiisa aan loo eegin qabiil ee loo ogolaado qofkaas taariikhdiisu uu naftiisa ugu horay dalkiisa iyo dadkiisa.

Waxaan maanta arkay Ay Faay Ali Nur oo sawirkeeda hoosta laga jaray oo loogu yeeraayo magac kale iyo qabiil kale, waa qalad, waxaan hoosta soo dhigay labadii sawir midka runta ahaa iyo midkii kale.

Waa taariikh Soomaaliyeed ma aha mid ay gaar u leeyihiin qabiil.

Wa bilaahi towfiiq.