Safiirka Mareykanka ee Kenya ” Farmaajo waxaan ku qanciyey In arrinta badda Maxkamadda ICJ laga soo celiyo…”

Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Kenya Kyle McCarter oo Wareysi siiyay Wargeyska The Daily Nation ee kasoo baxa Kenya ayaa sheegay inuu Madaxweyne Farmaajo kala hadlay Dacwada badda ee labada dal in lagu xaliyo Wada hadal.

Mar kasta oo arrin Soomaaliya ku saabsan uu shaki hareeyo waxaa caddaynteedu nooga timaadaa meel kale, waa tan maantay Safiirka maraykanku uu sheegayo In Madaxweyne Farmaajo uu ku qanciyey In arrinta badda Maxkamadda ICJ laga soo celiyo, in la aqbalayna waxaa ka marqaati kacaya dib u dhigista laba jeer waqtigii dacwadii la qaadi lahaa iyo aamusnaanta wadani Farmaajo oo ku mashquulsan taallo saarid maalintii dacwada badda dib u dhigisteeda lagu dhawaaqay, sidaasi Waxaa yiri Mudane Fiqi.

Kooxda Villa Somalia weligay ma aaminin In ay daacad ka yihiin arrinta dacwada badda, mar walbana waxaa soo cadaanaya In kiiskaas la rabo in meel mugdi lagu sarrifto.

Dadka Soomaaliyeed waa In u istaagaan difaacashada khayraadkooda la doonayo In si raqiis ah looga tanaasulo ama lagu dalaalo.

Axmed Mocalim Fiqi