Kitaab Qur’aan ah oo la been Abuuray.

Waxaan Soo xasuustay Nin yuhuud ah ayaa hadda Ka hor yiri: waxaan Ku deeqay in la daabaco 60.000 kitaab oo Qur’aanka kariimka ah, danteeyduna waxa ey aheeyd in aan hal xaraf oo Ka mid ah aan shaqalkiisa oo kor dhaban aan Ka dhigo mid hoos dhaban, si Muslimiinta ugu murmaan shaqalkaa kaliya oo bedelayo macnaha aayadaa.

Hadda Kaba darane, waxaa la Soo daabacay kitaabkaan, fiiri, waxaa Aayadda bilawgeeda lagu kordhiyay ( LA) oo macnaha bedelayo, hore waxa ey u aheeyd kuwa ” Geeybka aaminayo”, hadda waxa ey noqonee, “kuwa Geeybka aan aamineeyn”. Waxaa kale oo la is dhaafiyay Laba kalmadoodo ee “Yuqiimuuna” iyo “Yunfiquuna”, si macnuhu isku bedelo.( F.S: 1aad).

Kitaabkaan Suuqa ayuu Soo galay, waxaa laga yaabaa in Dad Cimaamado wato loo Soo dhiibo. Iska fiiri haddii aad Caruurtaada u Soo Xurmeeyneeysid Kitaabka Qur’aanka.

Kitaabka Allaah ayaa yiri: Annagaa xafideeyno, waa Run, Adigana masuuliyad ayaa kaa saaran, ALLA mahadii Quluubteena ayaan Ku xafidnay oo Dusha ayaan Ka Aqrin karnaa.

FG: Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta iyo wax garadka soomaliyeed waxaan Ka codsanayaa in ey Ka hor tagaan in Kitaabada nuucaan ey Dalka Soo galaan.

Qore: Yahya Amir