Axmed Madoobe oo Magacaabay Madaxweyne Ku-Xigeenada Maamulkiisa.

Madaxweynaha Jubbaland dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Talaado 22 Oktoobar 2019 waxaa uu Magacaabay labadiisa kuxigeen.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa Madaxweyne ku-xigeenka Koowaad ee Jubbaland loogu magacaabay inuu noqodo Maxamuud Sayid Aden

.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland u magacaabay C/qaadir Xaaji Maxamuud (Luga dheere).

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jubbaland ayaa labada Madaxweyne ku-xigeen u rajeeyay in uu Alle u fududeeyo Waajibaadka xilalka loo idmaday.

Maxamuud Sayid Aden ayaa mar kale noqonaya Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland,iyadoona afartii sano ee lasoo dhaafay ay isla soo wada-shaqeeyeen Madaxweynaha Jubbaland ee Axmed Madoobe.

Wareegtada uu soo saaray Axmad Madoobe.