Maamulka G/Banaadir oo xiray xarun la sheegay in lagu sameyn jiray Dukumintiyada been abuurka ah.

Muqdisho:-Maamulka gobolka Banaadir ayaa xiray xarun la sheegay in lagu sameyn jiray Dukumintiyada been abuurka ah, taas oo ku taalay Isgoyska KM-4 ee gobolka Banaadir, iyagoo xabsiga dhigay dadkii ku shaqeysanayay.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda ee gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad-alle ka mid ah xubnihii tagay goobta ayaa sheegay in xaruntaas lagu sameyn jiray Dukumintiyada been abuurka ah, sida warqadda dhalashada iyo sugnaanta ee laga bixiyo xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Dhanka kale wuxuu Gudoomiye ku xigenka halkaasi kula hadalay warbaahinta, isagoo sheegay inay jiraan xarumo kale oo suuqaas madow ku shaqeeya, balse uu maamulka gobolku daba gal ku sameyn doono cidii lagu qabtana sharciga la hor keeni doono.