Diyaarado Dagaal oo Duqeymo ka Gaystay Jubbooyinka iyo Shabeellada hoose.

Muqdisho:-Diyaarado dagaal ayaa waxay xalay duqeymo ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka iyo Shabeellada Hoose.

Duqeymahan ayaa ka dhacay saldhigyo waa weyn oo aad loo ilaaliyo oo Al-Shabaab leeyihiin, kuwaas oo ku yaala Degmooyinka Jilib iyo Jamaame oo ka wada tirsan gobolada Jubbooyinka iyo deegaanka xaramka oo ka tirsan gobolka Sh/ Hoose.

Dad gDeegaanadaasi ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana waxaa la Sheegay in la bartilmaameedsaday saldhigayadii ugu weynaa ee ku yaala degmooyinka Jamaame iyo Jilib oo ka tirsan Jubbooyinka.

Saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa sheegay in duqeymihii ka dhacay degmooyinka Jamaame iyo Jilib lagu dilay Maleeshiyaad iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Dhanka kale Deeganka Xaramka ayaa isna la sheegay in xalay lagu dilay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab, kaasi oo safar dhulka ah ku marayey deegaanka Xaramka, waxaana la sheegay in duqeynta lagu dilay 5 ruux oo ka tirsan Al-Shabaab.