Ciidamo ka tirsan Kuwa Dowladda Federaalka oo Dooni ay saarnaayeen kula Degtay Xeebta Marka iyo Ciidamo weli la’yahay.

Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Xeebta Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Xeebtaas ay ku degtay Doon ay la socdeen Askar badan oo ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Doontan ayaa waxaa saarnaa ku dhawaad 10 Askari oo uu ku jiray Taliyahooda iyo hubkii ay wateen,kuwaasi oo ka tirsan Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga dalka,waxaana Doonta ay kula degtay Xeebta Marka xili ay socdaal dhanka Badda ah ay ku jireen.

Wararka ayaa intaasi waxay ku darayaan in inta badan Askarta la soo badbaadiyay,halka saddex kalena weli lagu la’yahay badda,kuwaasi oo la socday doontii degtay.

Waxaa la soo sheegayaa inuu socdo baadigoob xoogan oo loogu jiro sidii loo heli ahaa Askarta weli ku maqan Badda,waxaana Muqdisho laga diray dhowr doomood oo lagu raadinayo Askartaas.

Dhanka kale Ciidankaan ay la dagtay doontii ay saarnaayeen ayaa la xaqiijiyay inay ku socdeen safar dhanka Badda ah oo ay ku doonayen inay ku yimaadan Muqdisho, kadib markii ay adkaatay isu socdka wadada xiriirisa Muqdisho iyo Gobolka Shabeellaha Hoose.