Ciidamada Dowladda oo Howlgal Dad lagu soo Qabtay ka Sameeyay Xaafado Ka Tirsan Afgooye

Wararkaka imaanaya Magaalada Afgooye ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose xalay ay howlgalo kala duwan ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmadaas.

Howlgalkan ayaa sigaar ah uga dhacay Xaafadda 14-ka October, waxaana inta uu socday Ciidamada ay ku soo qabteen dad u badan dhalinyaro, kuwaasi oo laga soo uruuriyay Guryaha ku yaalla halkaas.

Taliyaha Booliska Degmada Afgooye Cabduqaadir Cismaan Mursal ayaa sheegay in Ciidanka howlgalo kala duwan ay ka sameeyeen Degmada Afgooye, isla markaana ay ku soo qabteen dad badan, kuwaasi oo lagu xiray Saldhiga Booliska.

Taliye C/Qaadir ayaa sheegay in dadka la soo qabtay qaarkood ay ku jiraan kuwo looga shakiyay falal amni darro, isla markaana haatan ay ku socdaan baaritaano kala duwan.

Howlgalkan laga sameeyay Degmada Afgooye gaar ahaan Xaafadda 14-ka October ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii xalay halkaas lagu dilay Nabadoon lagu magacaabi jiray Ibraahim Maxamed.

Dhanka kale Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada dilkii loo geystay Nabadoon Ibraahim Maxamed, iyagoo sheegay inuu ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya, isla markaana si weyn looga yaqaanay Degmada Afgooye iyo hareeraheeda.