Afar arrimood oo lagu xusuusto Dowladdii Kacaankii Siyaad Bare!!!

Dowladdii kacaanka oo curatay 21-kii Oktoober, sannaddii 1969 ayaa ahayd middii ugu waqtiga dheereyd ee soo marta Soomaaliya.

Afgambiga wuxuu ka dambeeyay dilkii madaxwaynihii Soomaaliya, Cabdi Rsahiid Cali sharma’arke, ee 15-kii bishii October sannaddii 1969 oo lagu dilay magaalada Laascaanood.

Markii uu dilkaasi dhacayay waxaa dalka Raisul wasaare ka ahaa allaha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Cigaal waxaa xilligii uu dilka dhacayay uu ku sugnaa magaalada New York oo uu uga qayb galayay shirkii Qaramada Midoobay, wuxuuna markii uu dilka maqlay uu si degdeg ah ugu soo laabtay dalka.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal markuu dalka ku soo laabtay wuxuu billaabay sidii loo dooran lahaa madaxwaynihii baddali lahaa Cabdi Rashiid.

Waxaa xilligaasi laga dooday cidda madaxwayna noqonaysa waxaana ugu dambeyntii lagu heshiiyay 20 October in Xaaji Muuse Boqor uu noqdo madaxwaynaha baddalaya allaha u naxriistee Cabdi Rashiid Cali Sharma’arke, balse taasi laguma simin in taladaasi ay meel marto.

  1. Xildhibaankii xannuunka uga baaqday doorashada Farmaajo oo geeriyooday
  2. Cuba oo xustay askartii uga dhimatay dagalkii 1977 ee Itoobiya iyo Soomaaliya
  3. Waa kuma korneylka Soomaaliyeed ee lagu xukumay Mareykanka?

Waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa afar ka mid ah waxyaabiha lagu xasuusto dowladdii kacaanka.

Shantii golihii sare ee KacaankaLahaanshaha sawirka.
Image captionShantii golihii sare ee Kacaanka

1. Qaabkii uu u dhacay afgabmiga

Habeennimadii 21 October 1969 waxaa talada dalka la wareegay militarigii dalka ka jiray.

Ciidamadii talada qabsaday lama garaneyn cidda hogaaminaysay xilligaasi, balse waxay kala cadaatay 1-di bishii Nofeember 1969 oo lagu dhawaaqay xubnihii golihii sare ee kacaanka oo ka koobnaa 25 xubnood.

Alle ha u naxariistee, Maxamed Siyaad Bare ayaa khudbaddii ugu horeysay jeediyay 23 october sannadkii 1969 taasi oo uu uga hadlayay wax ay doonayaan in ay qabtaan.

“Waxaanu dooneynaa in uu dalku noqdo mid sharci ku dhisan, inaanu dadka ka dhigno dad sharciga u hogaansan, waxaanu dooneynaa inaan ku talaabsano laaluush inaanu baabi’ino, waxaanu doonaynaa inaanu ku talaabsano qaraaba kiilka inaan baabi’ino, waxaan doonaynaa inaanu ku tallaabsano qabiilkii xumaa inaan baabi’ino”, ayuu yiri Maxamed Siyaad Bare.

Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa saraakiishii xiligaasi ayaa sheegay in afgambiga uu ahaa mid si wayn loo qorsheeyay.

“Wuxuu inqilaabka u dhacay ciidamadii ayaa la qeybiyay, Idaacadii ayuu qabsaday, wuxuu qabsaday xaruntii dowladda, wuxuu qabsaday bangigii dhexe, baarlamaanka ayuu qabsaday, meelaha halbowlaha ah oo dhan ayaa ciidan loo diray”, ayuu yiri Janaraal Galaal.

Janaraal Maxamed Nuur GalaalLahaanshaha sawirka.
Image captionJanaraal Maxamed Nuur Galaal

“Ma ahayn qorshaynta afgembiga mid qarsoon way iska cadeyd nimankii meesha joogay umbaa damanayaal ahaa oo haddii wax kasta loo sheegayna way aqbali waayeen inqilaabkaas sidaa ayuu ka dhacay”, ayuu yiri.

Haddaba markii ay dowladdii Kacaanka xukunka la wareegtay waxay ku dhaqaaqeen dhowr arrimood oo dhanka horumarinta bulshada iyo dalka ah.

Dadka taageera Maxamed Siyaad Bare waxay sheegaan in dowladdiisa intii ay jirtay, in dalka uu isbadallo hormar leh ka sameeyay, halka kuwa dhaliila ay fikir kaa ka duwan ay qabaan.

2. Qoriddii Afka Soomaaliga

Qoridda afka Soomaaliga ayaa ka mid ahaa waxyaabihii lagu ammaanay dowladdi kacaanka ee Maxamed Siyaad Bare.

Sannadkii 1972-dii ayay ahayd markii ugu horeysay ee la qoro afka Somaaliga, waxaa uuna Maxamed Siyaad Bare aaminsanaa in dadka ay afkooda hooyo uga ciil bixi karaan dhanka waxbarshada.

“Gunnimo cilmi ah ama tacliin ah wax afka hooyo aan ahayn oo naga bixin karo ma jiro taasi markaan baranana cilmigii kale waa badan yahay waana ballaaran yahay wixii lagu baran karo waa uun afka hooyo, mid kale laguma baran karo saa darteed afkii hooyo ayaan dhigeynaa”, ayuu yiri Mr siyaad.

Prof Maxamed Xaaji Raabi wuxuu ka mid ahaa maclimiintii kulliyaddii waxbarashada Lafoole qeybta luuqadaha waxa uuna ka mid ahaa barayaashii ugu horeeyay ee luuqadda Soomaaliga ka dhigta kuliyadda.

Qaar ka mid ah guddigii qoray afka SoomaaligaLahaanshaha sawirkaSOMALI ARCHIVE
Image captionQaar ka mid ah guddigii qoray afka Soomaaliga

“Markiiba kacaanka waxay ku dhaqaaqeen in Afsoomaaliga la qoro markaa guddi ayay magacaabeen ka kooban 21 qof waxaana lagu yiri ‘waxaa la doonayaa inaad qortaan afar buug oo ah buugaagta ugu horeysa ee Afsoomaaliga laga dhigi doono dugsiyada'”, ayuu yiri Prof Raabi.

Prof Maxamed xaaji Raabi ayaa sheegay in guddigii loo saaray qoridda afka Sooamaaliga ay u kala qeybsameen dhowr qeyb oo qaar ay doonayeen in lagu qoro Carabiga, kuwana ay doonayeen in lagu qoro Laatiinka, balse markii dambe la qaatay Laatiinka.

“Qolyihii Laatiinka qorayay cidna uma aysan baahneyn; Teeb inta ay qaateen ayay wixii ay qaban kareen qabteen, qoladii kacaanka wax kale ma aysan sameyn kuwii laatiinka umbay qaateen”, ayuu Prof Maxamed xaaji Raabi.

3. Dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya

Waxyaabaha kale ee lagu xusuusto xukumaddii kacaanka ee uu hogaaminayay Maxmed Siyaad Barre waxaa ka mid ahaa dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya.

Dagaalkaas oo dhacay 1977-dii, waxay ciidammadii Soomaalida ay markii hore gaareen guulo la taaban karo.

Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa saraakishii hoggaamineysay dagaalkii dhexmaray Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa sheegaya in “dagaalkaasi uu ahaa laba qeybod oo kala ah qeybtii jabhadaha iyo kii ay ku galeen ciidamada dhulka Soomaalida Itoobiya”.

“Dagaalka labo waji ayuu ahaa, wajigii gobanima doonka iyo wejigii ay ciidamadu ku galeen”, ayuu yiri.

“23 bishii July 1977 ayaan ku dhufanay dhanka koonfureed oo dhan oo ah Godey, Qabridahar iyo Dhagaxbuur. Qabridahar isla maalinkiiba waan qabanay”, ayuu yiri Janaral Galaal.

4. Dagaalkii Gobolada Waqooyi

Waxyaabaha kale ee xukuumaddii Maxamed Siyaasad Bare lagu xusuusto waxaa ka mid ahaa dagaalkii gobollada Waqooyi ee imika la baxay JSoomaliland.

Dagaalkaasi wuxuu u dhaxeeyay dowladdii kacaanka iyo jabhaddii SNM ee ka soo horjeeday.

Waxaa lagu edeyaa in dowladdi Siyaad Barre in ay dad badan oo shacab ah gumaaday.

Ibraahim Cabdulahi Xuseen Dhagaweyne hogaamiyayaashii jabhadii SNMLahaanshaha sawirka.
Image captionIbraahim Cabdulahi Xuseen Dhagaweyne hogaamiyayaashii jabhadii SNM

Ibraahim Cabdulahi Xuseen Dhagaweyne waa taliyihii hogaaminayey ciidankii jabhada SNM ee bishii May 1988 weeraray magaalada Hargeysa.

Dhagaweyne ayay BBC waydiisay waxyabihii ku qasbay inay hubka qaatan oo ay dowladdii kacaanka la dagaallamaan.

“Waxaa heerkaa na gaarsiiyay markay cadaalad darada badato oo wadahadal la diiday ee talo la diiday oo la yiraahday aniga umbaa teyda soconaysaa waxay taasi keeneysa in gacanta la isula tago”, ayuu yiri.

Ibraahim Cabdulahi Xuseen Dhagaweyne ayaa sidoo kale sheegay in dwoladdii kacaanka ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Bare ay diiday inay wadahadalo la gasho oo ay ka qanciso dadkii gobollada waqooyi waxyaabihii ay tabanayeen.

“Wax ummadu leedahay in laga wadahadlo Maxamed Siyaad meel cad ayuu iska taagay aduunyada xitaa way u soo jeedisay in la wadahadlo, wuu diiday in uu mar kali ah la wadahadlo”, ayuu tilmaamay Dhagaweyne.

Dowladdii kacaanka oo ka talinaysay Soomaaliya muddo 21 sano ah waxa ugu dambeyntii xukunka ka tuuray jabhado sanndii 1991.

Xigasho:BBCSomali