Weli ma la gaaray waqtigaa uu Sheegay Rasuulkeena Muxamad SCW ???

Rasuulkeena Muxamad SCW ayaa yiri:
Waxaa imaan doona waqti Ummaddeeydu Shan ey jelaan doonaan,Shanna ey hilmaami doonaan.

1- waxa ey jeclaan Doonaan Aduunyada, waxa eyna hilmaami doonaan Aakhirada.

2- Waxa ey jeclaan doonaan Maalka, waxa ey hilmaami doonaan Xisaabta.

3- waxa ey jiclaan doonaan Makhluuqa, waxa ey hilmaami doonaan khaaliqii Abuuray.

4- Waxa ey Jeclaan doonaan Guryaha, waxa eyna hilmaami doonaan Qabriyada.

5-Waxa ey jeclaan doonaan Macsiyada, waxa eyna hilmaami doonaan Towbada.

( Dadkii waqtigaa noolaay ee Asaxaabta ahaa, waxa ey la yaabanaayeen, waqtigaasi, goormuu noqon doonaa)

Ma kula tahay Adiga in Waqtigaa Rasuulkeenu sii Tilmaamay in la joogo?.

Jawaabtu waa xagaaga.

Qore: Yahya Amir