Nabadoon Xaaji Saciid Adoon oo caawa lagu dilay Magaalada Kismaayo.

Kismaayo:-Dabley hubaysan ayaa caawa salaadii cishe kadib magaalada Kismaayo ku dishay mid ka mid ahaa Salaadiinta reer Jubbaland.

Xaaji Saciid Ciise Adoon oo si weyn looga yaqaanay gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan magaalada Kismaayo, kana mid ahaa Salaadiinta dhaqanka Jubbaland ayaa caawa waxaa dishay koox hubaysan oo afka soo duubatay.

Nabdoon Adoon ayaa sidoo kale ka mid ahaa ganacsatada magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland, iyadoo Dilka Marxuumka uu ka dhacay xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo, gaar ahaan halka loo yaqaano Sarta-Calaaca.

Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta iskaga baxsatay, waxeyna dadka xaafadaas sheegeen in dilka kadib ay goobta gaareen ciidamo Boolis ah, kuwaas oo halka uu dilku ka dhacay baaritaano ka bilaabay.

Dhanka kale wali ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka ganacsade Adoon oo ragga dilay ay ku sugayeen iridda hore ee gurigiisa.