Mid ka mid ah Ergadii soo dooratay Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Galabta lagu dilay Afgooye

Afgooye:-Kooxo hubeysan ayaa galabta waxa ay xaafadda 21-ka October ee degmada Afgooye waxaa ay ku dishay nabadoon caan ka ahaa degmada.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Nabadoon Ibraahim Maxamed Ibraahim waxa uuna ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee degmada Afgooye.

Nabadoon Ibraahim ayaa ka mid ayaa Ergadii soo dooratay xildhibaanada golaha shacabka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dilka Nabadoonka ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Buundo yar oo fariisin ay ku leeyihiin ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka howlgala degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dilka Nabadoonka ayaa la sheegay inay geysteen labo wiil oo dhalinyaro ah, kuwaas oo bistoolado ku hubeysnaa, iyadoo halka dilku uu ka dhacay ay aad ugu dhaweed meel ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda ee barta koontorool ku leh halka loo yaqaano Buundo yar oo lagu baaro gaadiidka soo galaya magaalada.

Sidoo kale Dableydii dilka geysatay ayaa goobta iskaga baxsatay, waxaana dadka reer Afgooye la yaab ku noqotay in ciidamada dowladda lagu hor dilay mid ka mid ah nabadoonnadii magaalada, hadana aysan wax fal celin ah ka sameyn.