Wafdi uu Hogaaminaayo Wasiirka arrimaha Gudaha oo ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka Arrimaha gudaha xukuumadda fedraalka Soomaaliya iyo Wafdi uu Hogaaminaayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusa-Mareeb halkaas oo laga dareemayo qaban qaabada soo dhaweyntooda.

Ujeedada iyo safarka aya ku tegayaan magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa ah sidii loo xalin lahaa khilaaf ka dhashay guddiga farsamada maamul u samaynta Galmudug ee dowladdu magacawday.

Wefdigaan ayaa maalmaha soo socda kulamo la qaadab doona hogaanka Ahlusunna oo dhaliilsan guddiga farsamada maamul u samaynta maamulka Galmudug,si khilaafkaas xal looga faaro dibna loo amba qaado shaqada dhismaha Galmudug.