Taariikhda kooban ee Xaawo Taako: Taaladii Oo dib loo soo cusbooneysiiyey

Halyeeyad Xaawo Cusmaan ( Xaawa Taako) oo si weyn loogu yaqaan taariikhda halganka iyo gobonima-doonkii dalka .

Xaawo Cusmaan (Xaawo Taako) Waxay ku dhalatay Magaalada Muqdisho gaar ahan degmada Xamarwayne taariihdu markii ay aheyd 1925 tii qiyaas ahaan .

Xaawo Taako waxay ahayd shakhsiyad aad u adadag oo geesiyad ah, waxa ayna aad u necbeyd gumaytayaasha dalka qabsaday xiligaas .

Xaawo taako oo ahayd qof naafo ah oo lug ka dhutin jirtay, kama aysan reebin lug hintiskeeda rabaaniga ah inay ka qayb qaadato halgankii xorriyad-doonka ahaa oo waxay had iyo jeer ka qayb gali jirtay banaan baxyada dhagaxtuurka ahaa ee lagu dalbanayay in gumaysigu ka baxo wadanka.

Sanadkii 1948-kii Xaawo Cusmaan ( Xaawa Taako) waxay ka qayb gashay banaanbixii ugu dambeeyey nolosheeda kaas oo ay dhagar qabayaashii gumaysiga si naxaariis la’aan ah ay u huwiyeen rasaas dadkii rayidka ahaa ee banaanbaxayay, halkaas ayeyna Xaawa Taako Ku qudh-baxday , iyadoo duudsan ilmo yar oo ay dhashay.

laga soo bilaabo waqtigaas waxay Xaawo Taako ka mudatay Shacabka Soomaaliyeed qadarin iyo tixgelin aad u wayn,iyadoo jiilasha kala duwan ee Soomaaliya hadba wax ka akhristo taariikhdeeda halganka nolosha qoyska iyo midka dalkeeda ay u gashay oo nafteyda ay ku weyday .

Taliskii Milatariga ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre waxa uu Xaawa Taako u dhisay taallo lagu xasuusto , taasoo ku taalla agagaarka Tiyaatarka qaranka ( Golaha Murtida iyo Madadaalada) ee Muqdisho .

Taaladaasi ayaa la dhisay sanadkii 1970-kii , sidoo kale degmooyinka kala duwan ee dalka si gaar ah gobolka Banaadir iyo Shabeellaha hoose ayaa laamaha iyo xaafadaha loogu yeeray magaceeda , si la mid ah goobo waxbarasho iyo qeybo ka mid ah lacagta Shilin Soomaali, taasoo ku tusineysa in Magaceedu noqdo mid ku waara taariikhda dahabiga ah ee Soomaaliya iyo quluubta dadka Soomaaliyeed .

Waxaa la sheegaa in Xaawa-taako uu dilay nin gumeystihii Talyaaniga la shaqeynayay oo ay dhagxaan kala hortagtay, isagoo dareensanaa in ay tahay abaabulaha ugu weyn ee kicinayay haweenka Soomaaliyeed.

Said Ibrahim Hussein (Buna)