Shir looga hadlayay Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya oo ka dhacay Maraykanka

Ra’iisul Wasaaraha xukuumaddda Fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan magaalada Waashitoon ee dalka Maraykanka ayaa ka qeyb galay Shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya,iyada oo ay goobjoog ka ahaayeen wefdiga uu hogaaminayay.

Kulankaan dhex maray Masuuliyiinta dowladda iyo ha’adaha deeq bixiyaasha waxaa khudbado ka jeediyay ra”iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Kheyre iyo Wasiirka Maaaliyadda iyada oo aad loogu lafa guray siyaasadda xukuumadda ee hagaajinta iyo hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in Soomaaliya lagu ammaanay sare u qaadidda dakhliga dowladda bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo la dagaalanka musuq-maasuqa.