Sarkaal Horay uga tirsanaan jiray Ilaalada Madaxtooyada oo lagu Rasaaseeyay agagaarka Taalada Xaawo Taako iyo Khasaare halkaa ka dhashay.

Sarkaalkaan ka tirsan milateriga Soomaaliya islamarkaana hore uga tirsanaa saraakiisha ilaalada Madaxtooyada oo lagu magacaabo Maxaadeey Saleebaan Eybakar ayaa goordhow lagu dhaawacay meel u dhaw talada Xaawo Taako ee magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale geeriyooday mid kamid ah ilaaladiisa.

Dhimashada Askariga iyo dhaawaca Sarkaalka ayaa timid kadib markii ay rasaaseeyeen gaari uu la socday ciidan ilaalo ka ah Hotelka Maa’ida Ex Naasa-hablood laba ee degmada Xamar wayne.

Wararka qaar sheegay in Madaxeey uu u geeriyooday rasaastaasi balse wixii warar ah ee ka soo kordha waan idinla wadaagi doonaa Insha Allah.