Madaxwynaha Puntland oo wada Qorshe uu ku heshiisiinaayo Dowladda Dhexe iyo Maamulka Jubbaland.

Boosaaso:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabulaahi Deni oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay khilaafka u dhexeeye dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland iyo xaalada amni ee magaalada Kismaayo.

Ugu horeyn Saciid Deni ayaa ka hadlay amniga magaalada kismaayo, waxaa uuna sheegay in magaalada kismaayo ay tahay meel nabad ah,balse uu culeys ka heysto magaaladaasi badda, dhulka iyo cirka.

Madaxweyne Deni ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay diyaar u tahay ka qeb-qaadaashada xalinta khilaafka xilligaan u dhaxeeya dowladda dhexe iyo Maamulka Jubbaland.

“Puntland waxaa ay diyaar u tahay inay maamul goboleedyada oo dhan inay garab istaagto sida aad horay u ogeydeen,doorweyn ayaana ka qaadaneynaa,waxana rajeynayaa in khilaaf kasta oo taagan sigaar ah kan u dhaxeeya dowladda & jubbaland in laga gudbi doono, laba qof ayaa hadda ii muuqdo balse an miisan ku laheyn Kismaayo ayuu yiri” Siciid Deni.

Dhanka kale Dowladda Dhexe iyo maamulka Jubbaland ayaa xiligan waxaa u dhexeeyo khilaaf siyaasadeed, lama oga sida lagu xalin doono khilaafkaasi.