Macawislay iyo Al-Shabaab oo Dagaal Khasaaro gaystay ku dhexmaray Gobolka Hiiraan

Muqdisho:-Wararku waxay sheegayaan in ilaa saddex ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab inay ku geeriyoodeen halka mid kalena uu ku dhaawacmay, kadib markii uu dagaal ku dhex maray duleedka degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan xubno ka tirsan dagaalamaasha Al- Shabaab iyo Kooxda Macawisleyda, sida ay warbaahinta ay u sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Hiiraan.

Dagaalka oo socday muddo saacado ah, ayaa ka dhashay kadib markii xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Waab-weyn, halkaasi oo meel u dhow ay ku sugan yihiin kooxda Macawiisley .

Gudoomiyaha degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan Cabdi Muumin Cilmi ayaa sheegay in ay ka gacan siin doonaan kooxda Macawiisleey dagaalka ay kula jiraan Al- Shabaab.

Xaaladda deegaanka lagu dagaalamay, ayaa lagu soo waramayaa in ay haatan tahay mid deggan,inkasta oo ay shacabka deegaankaasi ay qabaan cabsi ku aadan in uu dagaal kale ka dhaco deegaanka .

Dhanka kale ilaa hadda ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al- Shabaab oo ay kaga hadlayaan dagaalkaasi